All Entries in the "SOMALI UUTISET" Category
4 550 qof oo heshay jinsiyada dalka Finland
Dad tiradoodu gaareyso 4 550 oo si joogto ah udegan dalka Finland ayaa sanadkii hore qaatay jinsiyada dalka Finland. Waaxda tirakoobka ayaa sheegtay in tiradaan ey ka badan tahay 200 tiradii jinsiyada finlandeyska heshay sanadkii 2010:kii. Dadka qaatay jinsiyadda finlandeyska ayaa 2 650 ahaayeen dumar,halka ragana ey ahaayeen 1 900 oo qof. Dadka jinsiyadda qaatay [...]
Magaalada Espoo oo lagu soo gabagabeeyay bandhiga buugaagta af-soomaaliga
Waxaa suuqa Sello iyo maktabada Entressa ee magaalada Espoo ka socday bandhiga buugaagta af-soomaaliga bisha markey aheyd 10-11.05. Bandhigaan oo ah mid sanadwalba la qabto ayaa sanadkaan ahayd markii 8:aad ee la qabto. Waxaa kasoo qeyb galay qoraayaal badan oo kuwana dibedda ka yimaadeen kuwana reer Finland ahaayeen. Magacyada qorayaasha iyo aqoonyahanada Soomaaliyeed ee kasoo [...]
Turku oo lagu soo bandhigay dhaqanka soomaalida (sawiro)
Magaalada Turku ayaa waxaa ka dhacay festival lagusoo bandhigay dhaqanka soomaalida, festivalkan oo socday mudo 2 asbuuc ayaa waxaa isla soo qaban qaabiyay ururka jaaliyada soomaaliyeed ee turku iyo ururka Turku 2011-säätiö. Bandhigaan ayaa waxaa lagusoo bandhigay qeybaha kala duwan ee dhaqanka soomaalida, sida cuntada, fanka iyo suugaanta iyo taariikhda guud ee Soomaaliya. Waxaa soo [...]
Dhalinyarada Soomaalida oo noqday kuwa ugu badan ee nolosha ka dhaca
Marka dhalinyarada nolosha ka dhaca ey ka yihiin boqolkiiba 3.7 prosent dhalinyarada asal ahaan udhashay Finlandeyska ama kuwa luuqada Swedishka ku hadla, tirada dhalinyaradaas ee dhanka kuwa ajaanibta ayaa gaareysa boqolkiiba 20 prosent. Dhalinyarada saaqida ee ka dhaca horumarka bulshada ayaa waxey noqotay dood saameysa mujtamaca guud ee Finland, arrintaas oo ey walaac ka muujiyeen [...]
Sanadkii hore oo tiradii ugu dad badneyd usoo haajireen dalka Finland
Xarunta tirakoobka ayaa shaacisay in sanadkii hore dalka Finland ey usoo guureen dad gaaraya 29 500 oo qof, tiradaas oo ka badan sanadkii ka horeysay 3 100 oo qof, islamarkaana ka dhigeysa sanadkii ugu tiro badnaa ilaa xornimadii dalka Finland. Dhanka kale waxaa dalka Finland ka guuray dad tiradoodu gaareyso 12 650 oo qof. Taasoo [...]
Waaxda socdaalka oo lagu eedeeyay go’aan daahida
Waaxda socdaalka (Maahanmuuttovirasto) iyo Booliska Helsinki ee qaabilsan arrimaha ajaanibta oo lagu eedeeyay waqtiga dheer ee go’aanka dadka ku siiyaan. Sida sharciga waafaqsan qofka reerkiisa dalbada waa in go’aan lagu siiyaa 9 bilood gudaheed. Maija Sakslin oo ah garyaqaanad ka hadashay arrintaan ayaa sheegtay, in go’aanka uu waqtigiisu dhaafi karo markii macluumaad dheeri loo baahdo [...]
Xildhibaan katirsan xisbiga Perussuomalaiset oo 5 bilood lagu ganaaxay
James Hirvisaari oo ah xildhibaan katirsan xisbiga Perussuomalaiset ayaa lagu ganaaxay 5 bilood oo shaqo joojin ah, waxaa lagu ganaaxay inuusan kasoo qeygali karin shirarka golaha baarlaamanka ee xisbiga perussuomalsiet. Xildhibaano badan oo katirsan xisbiga perussuomalaiset ayaa lagu bartay qoraalo iyo fikrado qalafsan oo ey ka qabaan ajaanibta iyo dadka muslimiinta ku dhaqan dalalka Yurub. [...]
Ninkii uxirnaa tuhunka argagaxisada oo xornimadiisa dib uhelay
Maxmkamada racfaanka ee Helsinki ayaa xornimadiisa siisay ninkii loo heystay xiriirka kooxaha argagixisada. Booliska ayaa codsaday in ninka la iska sii daayo. Ninkaan ayaa xabsi kujiray ilaa bishii septemper ee sanadkii hore, waxaana lagu tuhunsanaa inuu dhaqaale u ururin jiray kooxaha xagjirka ee ka dagaalama Soomaaliya. Ninkaan ayaa waxaa lagu xukumay inuusan dalka Finland ka [...]
Shuruudaha qoys isu keenista oo la adkeyn rabo
Wasaarada arrimaha gudaha ayaa sheegtay in mustaqbalka dhaw la adkeyn doono shuruudaha qoys isu keenista ee dadka dalbada in qoysaskooda loo keeno dalka Finland. Warbixin ku saabsan arrintaas oo ey maanta wasaarada soo saartay ayaa lagu shaaciyay iney macquul tahay in dadka qaxootiga ee dalbada qoysaskooda in lagu xiro iney shaqo haystaan oo noloshooda ku [...]
Kulan aan caadi ahayn oo ay yeesheen GOS iyo madaxda xiriirada
Waxaa shalay oo Sabti ahayd 07/04 kulan aan caadi aheyn ku yeeshay guddiga fulinta GOS iyo madaxda xiriirada magaalada Muqdishu. Kulnkaan oo uu guddominaayey G/X 1aad ee Gidiga Olympikada Soomaaliyeed Mudane Duran Farah ayaa waxaa uu ku saabsana wada tashi guud ka dib geerida naxdinta laheyd ee ku timid Guddoomiyihii GOS iyo Guddoomiyihii xiriirka K/Cagta. [...]

